Frank Lampard oo taladan u soo jeediyay xiddigaha Chelsea kaddib guul daradii ka soo gaartay Man United

frn

(London) 17 Abriil 2017. Chelsea ayaa bishan ku bilaabatay iyadoo 10-dhibcood ka sarreysa Tottenham balse iminka afar dhibcood uun ayay ka horreysaa kooxda kala dhisan London kaddib guul daradii dhadhanka darneyd ee ka soo gaartay Man United.

Rugcadaagii hore ee Chelsea Frank Lampard ayaa talo u soo jeediyay kooxdiisii hore isagoo ugu baaqay inay si dhaqsi leh maskaxdooda uga tir-tiraan jabkii ka soo gaaray Red Devils.

 “Waxa kaliya aan ku dhihi karo Chelsea waa inay xusuustooda ka tir-tiraan guul daradii soo gaartay,” Lampard ayaa sidaa yiri.

“Waa mid ka mid ah uun kulamadaas.

Image result for frank lampard chelsea

“Si cajiib ah ayay u ciyaarayeen, Arsenal ayay la ciyaareen horaantii kal ciyaareedkan waxaana looga adkaaday bandhigan oo kale.

“Ma jirto wado ay kaga fikiri karaan wixii ku dhacay  maxaa yeelay waxay soo qaataan guulo muhiim ah oo is xiga.

“Waa ciyaar furan maxaa yeelay waa afar dhibcood.

“Waa mid adag maxaa yeelay shaki ayay keenaysaa kulamo aad guul darresato.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close