EPL: Kooxda Arsenal oo soo degtay kaalinta lixaad kaddib guul ay ka soo gaartay Middlesbrough oo ay booqatay… + SAWIRRO

(Middlesbrough) 18 Abriil 2017 – Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa guul ka soo gaartay naadiga Middlesbrough oo ay booqatay waxaana ay soo degtay kaalinta lixaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League.

Arsenal ayaa goolka la horreysay waxaana dhammaadkii qeybtii hore ee ciyaarta 42’daqiiqo laad xor ah oo toos ah u dhaliyey Alexis Sanchez, Gunners oo bulusoonkaas ciyaarta ku hoggaaminaysa ayaana la kala nastay.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee dheesha Boro ayaa la timid goolka barbaraha ciyarta waxaana 50’daqiiqo u dhaliyey Alvaro Negredo, kaddib markii uu lugta ku dhammaystiray kubbad dadab uu ka soo karoosay Stewart Downing, kulanka ayaana sidaas ku noqday gar isku mid ah 1-1.

Arsenal ayaana la timid goolka ay guusha ku qaadatay waxaana 71’daqiiqo u dhaliyey Mesut Ozil, kaddib markii uu si wacan u dhammaystiray kubbad uu xabadka ugu baasay saaxiibkiis Aaron Ramsey, Gunners ayaana garoonka Riverside kala soo laabtay guul 2-1 ah.

Guushaas ayaa Arsenal uga dhigan inay sare uga soo kacday kaalintii ay ku jirtay, waxaana ay soo degtay kaalinta 6-aad ee kala sarreynta horyaalka Premier League iyadoo leh 57-dhibcood, kaddib 31 kulan oo ay dheeshay.

SAWIRRO:

C9o64osXcAAyB4l

C9o64owWAAAuZk5

C9o64oyWsAAuSXm

C9o64pRXgAAkGUE

C9o4350WsAExx1J

C9pIjZNXUAAkNb6

C9pKRWnXgAI2Mtp

C9pKRXKXkAk5RrG

C9pKRXtWsAATj3i

C9pKSwgWsAA9WCn

C9o64owWAAAuZk5 b19 b18 b15 b14 b12 b10 b9 b8 b6 b5 b3 b2 b1

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close