Waa maxay sababta keydka loo dhigay Zlatan Ibrahimovic kulanka iminka u dhexeeya Man United iyo Chelsea?

ibra

(Manchester) 16 Abriil 2017. Waxaa lama filaan noqotay inuu keydka ka soo muuqday xiddigaha ugu goolasha badan Man United ee Zlatan Ibrahimovic kulanka ay iminka Old Trafford kula yeelanayaan hogaamiyayaasha Premier League ee Chelsea.

Jose Mourinho ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta keydka loo dhigay joog dheeraha reer Sweden isagoona sheegay inuu aad u daalan yahay isla maraana lagu soo bilaabi Karin dheesha.

“Wuu daalan yahay, aaduu u daalan yahay,” Mourinho ayaa sidaa yiri.

Zlatan Ibrahimovic dropped for Man Utd v Chelsea

“Laga yaabo inuu soo galo qeybta labaad. Waxaan isku dayay inaan ilaaliyo isaga.

“Waan arki doonaa natiijooyinka.

“Laakiin keydka ayuu ku jiraa isaga diyaar ayuuna u yahay inuu na caawiyo innaga.”.

Ibra ayaa la filayay in lagu soo bilaabo kulanka iminka u dhexeeya Blues iyo Red Devils maadaama ay Man United dagaalan ugu jirto afarta sare balse ma ay noqon.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close