Real Madrid waa boqorada soo kabsashada (Comeback Kings)

mad

(Madrid) 16 Abriil 2017. Real Madrid ayaa shalay gaartay guul kale oo soo laabasho leh kaddib markii ay 3-2 uga adkaadeen naadiga Sporting Gijon oo labo jeer hogaanka ka qabatay intii uu kulanku socday.

Xiddigaha da’da yar ee Isco iyo Alvaro Morata ayaa looga mahdinayaa guusha soo laabashada lahayd ay Los Blancos ku soo gaartay meel ka baxsan mininkeeda.

Rea Madrid ayaa iminka 10-dhibcood ka soo heshay kulamo goolal lagu hogaaminayo ay dib ka soo kabatay kuwaa oo ay ku ciyaareyso meel ka baxsan garoonkeeda waana kooxda heshay dhibcaha ugu badan oo ceynkaa ah horyaalka La Liga kal ciyaareedkan.

Cad cadka oo kulan baaqi u yahay ayaa saddex dhibcood hogaanka uga heysa Barcelona oo ay usbuuca soo socda fooda isku saari doonaan kulanka xamaasada iyo xiisaha leh ee El Clasico.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close