QORMO XIISO LEH: Maxaa dhici lahaa haddii uu Pogba ku biiri lahaa Chelsea, Kante-na Man United?

blue

(England) 16 Abriil 2017. Inyar ka feker, haddii Paul Pogba uu ku biiri lahaa Chelsea N’Golo Kante- na uu ku biiri lahaa Manchester United xili ciyaareedkii tagay.

Xaqiiqda maysan ka fogeyn in Chelsea ay rabtay inay la soo saxiixato Pogba waxayna diyaar u ahayd inay bixiso lacagta waalida ah oo ay Juventus dalbaneysay. Ugu dambeyntii inuu dib ugu  laabto Old Trafford ayaa sida saxda ah ula muuqatay ciyaaryahanka da’da yar ee reer French, si kasta oo ay u jirtay in dhiirigaliyiisii hore ee Antonio Conte uu joogay Stamford Bridge.

Sidoo kale, Jose Mourinho wuxuu dhawaantan sheegay inuu rabay inuu keensado Kante balse uu aad uga gaabshay. Chelsea ayaa aad ugu boobsiisay Leicester inay ka saxiixato ciyaaryahanka qadka dhexe wuxuuna u baahday in laga dhaadhacsho inuu kusoo biiro kooxda dagan magaalada London.

Haddii labada ciyaaryahan ee reer French ay labada dhinac sida hadda maahanee dhanka kale isku weedaaran lahaa, maxaa dhici lahaa?.

Conte wuu ku wareeri lahaa shaxdiisa kal ciyaareedka:

Heerka shaqo ee uu Kante ka hayo dhexbartanka garoonka waa mid aan innaba caadi ahayn. Eden Hazard ayaa yiri in marmarka qaar u moodo inuu la dheelayo labo Kante oo mataano ah markuu ku jiro garoonka. Akhlaaqdiisa iyo soo bandhigistiisa ayaa u suurto geliyay Antonio Conte inuu dheelo qaab ciyaareedka uu jecel yahay ee 3-4-3.

Haddii uu Paul Pgba joogi lahaa booskaas macquul ma aysan noqon lahayn inuu isbedelkaas sameeyo.

Sida la arkay Manchester United-ba, qaab ciyaareedka Pogba ee boos kasta ah ayaa ku abuuray jahwareer fara badan dadka dhinacyadiisa ku hareereysan, haddii arrrinku sidaan ka duwanaan lahaa Conte wuxuu isku dayi lahaa inuu la yimaado 11-kiisa ciyaaryahan ee ugu fiican markasta sida hadda kuma uusan soo galeyn garoonka.

 “Marmarka qaar waxaan u maleeyaa inaan la dheelayo labo mataano ah” – sidaa waxaa yiri Hazard oo ka hadlaya dadaalka hagar la’aanta ee Kante.

Image result for Pogba vs Kante

Waayaha Carrick oo soo afjarmi lahaa:

Joogista Pogba ee Old Trafford ayaa muhiim ka dhigtay in dib Michael Carrick loogu soo celsho safka kooxda. Qibradda ciyaaryahankan hore ee qaranka England iyo qaab booseedkiisa ayaa kaalin mug leh ka qaadatay in Pogba la siiyo xornimo uu ku dheelo.

Haddii Kante ay soo iibsan lahayd Man United, Carrick wuxuu noqon lahaa qof aan loo baahneyn oo dheeri ku ah kooxda, sida macquulka ahna lama siin lahayn sanad dheeraad ah oo heshiis kordhin ah.

Waxaadna sidoo kale iska iloowi lahayd baahida joogtada ah ee loo qabo in la dheelsiiyo Morouane Fellani.

Memphis Depay oo waayo wacan heli lahaa:

Joogista Kante ee kooxda Chelsea waxay fursad siisay in weerarkeedu uu noqdo mid adag. Ka warqabiisa iyo daboolistiisa garoonka ayaa u suurtagalisay inay u dheelaan siday rabaan waliba si xornimo leh, balse haddii xaalada dhanka kale ahaan lahayd maysan noqoteen sheekada sida ay hadda tahay.

Haddii ay Manchester United haysan lahayd Kante, ciyaaryahannada sida Antony Martial iyo xitaa Memphis Depay waxay u dheeli lahaayeen si cajiib ah xili ciyaareedka oo idil.

 Maysan noqon lahayn in Martial uu dib u dhac sameeyo kadib xili ciyaareed caaqibo lahaa, Depay- na Lyon muusan aadi lahayn.

Hazard oo aan faraxsanaan lahayn:

Heer ciyaareedka sare ee Eden Hazard waxay ahayd qab muhiim ah ee guusha Chelsea xilli ciyaareedkan.

Ciyaaryahanka reer Belgium ayaa dhaliyay 14 gool halka uu caawiyay 5 kale. Qayb ka mid ah guushaan waxay ka imaaneysaa ku raaxeysigiisa loo aqoonsaday xiddiga ugu sareeya kooxda Chelsea.

Balse haddii Pogba iyo £89million ay joogi lahaayeen arrinku sidaa way ka badal naan lahayd, lamana arkeen farxada Hazard oo macquul noqon lahayd inuusan saan wax u qaban.

W/D: Abdisamed Mohamed Hassan. (Black Yare).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close