Ka hor kulankooda galabta yaa guulo badan kooxaha Manchester United iyo Chelsea horyaalka Premier League?

premier_league_matchday_utd_chels01

(Manchester) 16 Abriil 2017. Jose Mourinho ayaa galabta Old Trafford ku soo dhaweyn doona kooxdiisii hore ee Chelsea isagoo kolkan horkacaya Man United kulan ka tirsan Premier League.

Blues ayaa u baahi qabta badis maadaama ay Tottenham ku soo dhawaatay, halka Red Devils ay raadineyso guul muhiimad wayn ugu fadhisa, maadaama ay tartan adag ugu jirto afarta sare.

Macallin Jose oo u ciil qaba Chelsea oo soo jajabsatay kulankii hore ee lagu soo ciyaaray garoonka Stamford Bridge ayaa galabta doonaya inuu markooda jilbaha u aaso.

Haddaba labadan kooxood ee Manchester United iyo Chelsea yaa guulo badan marka la eego horyaalka Premier League?.

Chelsea ayaa kaga guulo badan horyaalka Premier League kooxda Manchester United, waxaana 49 kulan oo ay wada ciyaareen Premier League ay Chelsea badisay 17 kulan, halka Man United ay adkaatay 13 kulan, 19 jeerna barbaro ayey galeen.

C9hIOQRXUAEG0Ad

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close