EPL: Man United oo garoonkeeda Old Traffrod ku garaacday kooxda Chelsea … + SAWIRRO

(Manchester) 16 Abriil 2017 – Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul 2-0 ka gaartay Chelsea oo marti ugu ahayd Old Trafford, waxaana ay sidaas ku soo degtay kaalinta shanaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League.
Tababare Jose Mourinho ayaa kulakan keydka dhigay Zlatan Ibrahimovic iyo Henrik Mkhitaryan, laakiin waxaa shaqadiisa qabsaday Rashford.
Man United oo marti loo ahaa ayaa goolka la horreysay waxaana 7’daqiqo u daah furay weeraryahankooda da’da yar ee Marcus Rashford, kaddib baas dheer oo dhex bixis ah oo uu ka helay saaxiibkiis Ander Herrera, kulanka ayaana lagu kala nastay 1-0 looga gacan sarreeyey Chelsea.
Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Man United la timid goolka labaad ee ciyaarta waxaana kubbad awoodeeda leh oo uu tuuray 49’daqiiqo Ander Herrera inta ku soo dhacday difaacyada Chelsea sidaas shabaqa ku gashay kulanka ayaana Chelsea lagu hoggaamiyey 2-0.
Blues oo doonaysay inay minin iyo marti u garaacdo Man United ayaa ku guuldarreysay xilli ciyaareedkan, waxaana Man United ay aar gudatay guuldarradii lugta hore ku soo gaartay garoonka Chelsea, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 2-0 looga adkaatay hoggaamiyeyaasha horyaalka ee Chelsea.
Kooxda Man United ayaa soo degtay kaalinta shanaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League iyadoo leh 60-dhibcood, kaddib 31 kulan oo ay ciyaartay caawa.
SAWIRRO:
Gool FM.