EPL: Kooxda Liverpool oo soo degtay kaalinta saddexaad ee horyaalka kaddib guul ay ka soo gaatay West Brom… + SAWIRRO

(West Brom) 16 Abriil 2017. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa guul 1-0 ka soo gaartay West Bromwich Albion oo ay booqatay kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Liverpool ayaa goolka hore la timid dhammaadkii qeybtii hore ee ciyaarta gaar ahaan intii lagu guda jiray halkii daqiiqo ee lagu kordhiyey ciyaarta, waxaana laad xor ah oo uu soo qaaday Milner madax ku gudbiyey Lucas Leiva, waxaana markaa kaddib madax kale ku dhaliyey laacibka reer Brazil ee Roberto Firmino, kulanka ayaana lagu kala nastay 1-0 lagu hoggaaminayey West Brom.

Qeybtii labaad markii dib la isugu soo laabtay labada kooxood ayaa isku helay fursado goolal loo filan karay laakiin waa ay ku guuldarreysteen inay gool dhaliyaan qeybta labaad ee ciyaarta, waxaana kulanku uu ku soo dhammaaday 1-0 ay ku badisay Reds.

Kooxda Liverpool ayaa sidaas ku soo degtay kaalinta saddexaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League iyadoo leh 66-dhibcood, kaddib 33 kulan oo ay ciyaartay, iyadoo Man City ay soo dhacday kaalinta afaraad.

SAWIRRO:

C9ilpEPXgAAS9GO

C9ilpERXkAAMDzg

C9inDuMXYAArFT5

C9inDuPWAAIUL9S

C9inDuTXgAM8faw

C9inDuTXkAA6gm7

C9iXRDTXgAEs9Bt

C9iYe6tXUAEtX16

C9iYe6zXkAUPKi0

C9iYe7dXYAAB_r4

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close