DIB U EEGIS: Daqiiqadihii uu Orsato ku dhameeyay kulankii Derby Milan miyay khaldanaayeen?

(Milano) 16 Abriil 2017 – Waxaa shalay dhacay kulanka xiisaha badan ee Derby della Madonnina ama Derby Milano kaasoo ay 2-2 ku kala bexeen kooxaha Inter Milan vs AC Milan, taasoo uu muran ka dhashay daqiiqadaha ay ku dhamaatay haddaba maxaa dhacay?

Warsidaha Corriere dello Sport oo arrintan lafa gur ku sameeyay ayaa sheegay inuusan wax khalad ah gelin garsoore Daniele Orsato oo waqtiga dheeriga ah kusii daray ku dhowaad 2 oo dheeraad ah.

Garsoore ayaa markii ciyaarta 5 daqiiqo lagu daray lkn waxaa 2 daqiiqo cuntay bedelkii Candreva-Biabiany iyo dhaawacii Nagatomo iyadoo uu garsooruhu saacadda xirayay markasta sidaa darteed waxba lagu darin ee waxaa kaliya la xirey waqtiga, waxaana suurtagashay inuu Cristian Zapata goolka guusha dhaliyo daqiiqaddii 97 ‘, taasoo dhowr ilbiriqsi laga war sugayey Goal Line Technology, iyadoo ciyaartu dhamaaray 96.40.

Wargayska oo dib u eegistiisa dhanka sharciga sii wada ayaa sheegay inuu Orsato ku saxnaa inuu jaalle siiyo Kucka, balse uu ku khaldanaa rigoore ay lahayd Rossoneri kaddib markii uu D’Ambrosio kubadda ku gacmeeyay diilinta ganaaxa isagoo raacayay Lapadula. Sida kale afarta goolba wuxuu ku sheegay inay sax ahaayeen, iyadoo goolkii Antonio Candreva uu dabinta hobseedka ka bixiyay Mattia De Sciglio oo lagu dhaliilay inuu aad u ilduufay.

”Xeer ilaaliyaha 4-aad wuu ii sheegay inay ciyaarta raaci doonto 1 daqiiqo iyo 30 ilbiriqsi’ – ayuu yiri macallinka Inter ee Stefano Pioli oo ciyaarta kaddib hadlayay.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close