Arsenal oo mushaar labo laab ah ku dooneysa Karim Benzema

bb

(London) 16 Abriil 2017. Arsenal ayaa diyaarineysa dalab ay xagaaga ugu dhaqaaqeyso dhaliyaha Real Madrid ee Karim Benzema sida uu warinayo warsidaha Don Balon ee dalka Spain.

Gunners ayaa qorsheynaysa inay xiddiga reer France ku soo jiitaan mushaar qaali ah oo usbuuciiba ku qaadan doono 300 kun oo bound taa oo ka dhigi doonta laacibka ugu mushaarka badan Premier Leauge haddii uu ku soo biiro.

Karim Benzema Real Madrid

Dalabka ay kooxda reer London ku dooneyso Benzema ayaa ah labo laab mushaarka uu iminka ka qaato kooxda reer Spain.

Karim Benzema ayaa la warinayaa inuu qaati ka taagan yahay dhaleeceymaha kaga imaanaya taageerayaasha Los Blancos isla markaana uu ka fikirayo sidii uu badel ku haboon ugu noqon lahaa Alexis Sanchez haddii uu go’aansado inuu xiddiga reer Chile isaga tago Emirates  Stadium.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close