HORDHAC: Pescara Vs. Juventus

Pescara-vs-Juventus-Serie-A-Match-Preview (2)

(Pescara) 14 Abriil 2017. Juventus waxa ay booqan doontaa Pescara kulan ka tirsan Serie A.

Bianconeri waxa ay bartamihii asbuucii hore dhagta dhiiga ugu dartay Turin kooxda Barcelona oo ay lugta hore ee sideed dhamaadka 3-0 ku dirtay, dabcan daalkaas wuu ka muuqan doonaa galabta.

Iyada oo uu wali 6dii dhibcood hogaanka ku haysa, ma xamili doonto dib u dhac maadama Roma aysan wali ka haran.

Maxaa ka cusub Juve?

-Massimiliano Allegri kaliya laba ciyaaryahan ayaa ka maqan, waxa uu sameyn karaa is bedelo maadama uu isha ku hayo kulanka lugta labaad ee sideed dhamaadka uga hor imaanayaan Barcelona toddobaadka dambe

– Paulo Dybala iyo  Gonzalo Higuain waxa ay is bedeli doonaan Miralem Pjanic iyo  Mario Mandzukic

RAADRAAC

-Juventus wey ka badisay shanti kulan ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada ee ay ka hortimi Pescara

-Pescara ma aysan 14 ka mida 15kii kulan ee ugu dambeeyey Serie A-ga ee ay gurigeeda ku ciyaartay

SAFAFKA LA FILI KARO

Capture

Gegida: Adriatico

Saacadda Geeska Africa: 4Pm

Dhex dhexaadiyaha: Marco Di Bello

 

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close