DAAWO: ”Si wanaagsan ii caaya kalama jecli” – Mario Balotelli oo ku camirtay taageerayaasha Inter Milan

(Nice) 15 Abriil 2017 – Qannaaskii hore ee AC Milan iyo Inter ee Mario Balotelli waa nin aan had iyo goor ka xishoonin inuu yahay nin taageera kooxda Rossoneri, waana sida uu yeelay kulankii maanta ee Derby Milano.

Daqiiqado uun kaddib markii uu Cristian Zapata dhaliyay goolka barbarraha daqiiqaddii ugu dambeeysey ee ciyaartii aadka loo daawanayay ee Derby della Madonnina, ayaa arrintii la aadey Instagram iyo Twitter, si uu cusbo usii mariyo dhaawaca reer Inter oo ka xumaaday barbarraha soo daahay.

Caadiyan, laacibkan ayaa heeso aflagaaddo ah kala kulmayay taageerayaasha Inter Milan, balse wuxuu muujiyay sida uusan u kala jeclayn isagoo gaballo fiidiyoow ah kasoo qaatay ciyaartii Derby della Madonnina, isagoo Twitter-ka kusoo qoray: ”Si wanaagsan ii caaya, kalama jecli…Forza Milan.

 b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close