SAWIRRO: Baro maamulka cusub ee AC Milan iyo madaxwaynohooda, madaxwaynayaashii soo maray & xiriirka ka dhexeeya Milan iyo Ingiriiska!

(Milano) 14 Abriil 2017 – Xarunta AC Milan ee Casa Milan, ay waxaa ka dhacay kulankii la wada sugayay ee saamileeydii hore ee kooxda, kuwaasoo horay isu casilay balse markan rasmiyaynayay.

Waxaa la dhisay maamul cusub iyadoo Guddiga Fulinta ee cusub ay ka kooban yihiin 8 qofood oo uu guddoomiye u yahay: Li Yonghong oo sidoo kale noqday madaxwaynaha cusub ee AC Milan, waxaana wehlinaya, Li Han oo ah gacantiisa midig, Bo Lu, Xu Renshau, Roberto Cappelli, Marco Fassone, Marco Patuano iyo Paolo Scaroni.

Maamulka cusub ayaa mar aan sii fogayn tegey xerada tababarka AC Milan ee Milanello iyagoo kulan is barasho ah la yeeshay macallinka Montella iyo laacibiinta kooxda oo ay wada casheeyeen.

Mr Li ayaa noqday madaxwaynihii 22-aad ee kooxda Rossonerri oo soo dhisnayd 118 sanadood, haddaba ka bogo guud ahaan madaxwaynayaashii soo maray AC Milan oo ay 1899-kii loo dhisay inay ciyaarto Kubadda Cagta iyo Cricket-ka iyadoo ay aasaaseen niman Ingiriis ah oo Milano ku noolaa oo lakala yiraahdo Alfred Edwards iyo Herbert Kilpin oo ka yimid magaalada Nothingham ee Ingiriiska, waxaana lagu maamuusaa inay kooxdu haysato magaceeda Milan halkii laga dhihi Milano oo lagu khasbay waagii uu Talyaaniga ka talinayay ninkii fajiistaha ahaa ee Benito Muzolini.

1. Alfred Edwards 1899-1909
2. Piero Pirelli 1909-1929
3. Luigi Ravasco 1929-1933
4. Mario Benazzoli 1933-1936
5. Piero Annoni 1936-1938
6. Emilio Colombo 1938-1939
7. Achille Invernizzi 1939-1940
8. Umberto Trabattoni 1940-1954
9. Andrea Rizzoli 1954-1963
10. Felice Riva 1963-1966
11. Luigi Carraro 1966-1967
12. Franco Carraro 1967-1971
13. Federico Sordillo 1971-1972
14. Albino Buticchi 1972-1975
15. Bruno Pardi 1975-1976
16. Vittorio Duina 1976-1977
17. Felice Colombo 1977-1980
18. Gaetano Morazzoni 1980-1982
19. Giuseppe Farina 1982-1985
20. Rosario Lo Verde 1985-1986
21. Silvio Berlusconi 1986-2017
22. Yonghong Li 2017

b2

b b1 b3

B1 B2 B3

B4

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close