Mourinho oo shaki galiyay waxtarka weerar yahanadiisa kadib barbarihii Anderlecht

(Manchester) 14 Abriil 2017 Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa shaki galiyay wax tarka weerar yahanadiisa kadib barbarihii Anderlecht.

Mourinho ayeey u cuntami waysay fursadihii badnaa ee kooxdiisu ay iska khasaarisay, taas oo keentay ugu danbayntii in ciyaartu ay ku soo idlaato 1-1.

Jose ayaa sheegay in hadii uu ahaan lahaa difaac uu ka xumaan lahaa ciyaartoydii aan kala tuurin ciyaarta isla markaana aan keenin goolal.

“Waxay ahayd inaan dilno ciyaarta oo aan dhalino goolal, waxaan helnaa fursado badan laakiin gool ma dhalino” ayuu yiri Mourinho dhamaadkii ciyaarta.

“Waxaan helnay firaaqo badan oo dhanka garoonka ah iyo fursado badan laakiin gool uma badalin sababo la xiriira kubadd qabsashada oo liidatay iyo go’aan gaarida oo xumayd”.

“Difaaceenu wuxuu ahaa mid aad u adag, laakiin hal fursad ayaa nalagu ciqaabay, hadii aan kamid ahaan lahaa daafacyada kooxda waxaan dareemi lahaa niyad jab ku aadan ciyaartoydii aan dilin ciyaarta”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close