Michael Carrick oo niyad jab ku tilmaamay barbarihii ay la galeen Anderlecht

(Manchester) 14 Abriil 2017 Laacbka qadka dhexe ee kooxda Manchester United Michael Carrick ayaa niyad jab ku tilmaamay in kooxdiisu ay barbaro lagasho kooxda Anderlecht.

Man United ayaa la hormartay gool qaybtii hore ee ciyaarta laakiin waxaa laga barbareeyay ciyaarta oo ay ka harsanayd kaliya 4-daqiiqo.

Carrick ayaa sheegay in kooxdiisu aysan abuurin fursado badan, balse ay niyad jab u arkaan inay 1-1 lagalaan kooxda Anderlecht.

Photo published for Michael Carrick calls on 'sloppy' Manchester United to become more ruthless in killing teams off

“Waa barbaro niyad jab leh, si wayn ayaan u maamulaynay qaybtii hore, laakiin waan isdhiganay waxayna ahayd inaan si fudud kulankaan guul uga gaarno” ayuu yiri dhamaadkii ciyaarta.

“Marka aad fiiriso natiijada maadama aan ku ciyaaraynay meel ka baxsan garoonkeena, natiijadu kama dhigna dhamaadkii aduunka”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close