“Lewandowski waa noo diyaar kulanka lugta labaad” – Rummenigge

(Munich) 14 Abriil 2017 Gudoomiyaha kooxda Bayern Munich ee Karl-Heinz Rummenigge ayaa sheegay in kooxdiisu ay dib u heli doonto weerar yaankooda Robert Lewandowski.

Laacibka reer Poland ayaa dhaawac dhanka garabka ah ku seegay kulankii lugta hore kaas oo kooxda reer Jarmal looga adkaaday 2-1.

Karl-Heinz Rummenigge ayaa sheegay in Lewandowski uu ka mid noqon doono ciyaartoyda Bayern Munich ee wajihi doonta Real Madrid talaadada soo socota.

“Maamulka caafimaadku waxay sameeyeen shaqo fiican, qatar badan ayuu gali lahaa haddii uu ciyaari lahaa kulanka lugta hore” ayuu yiri Karl-Heinz Rummenigge.

“Laakiin kulanka lugta labaad 100% waa diyaar” ayuu u sheegay wargayska Kicker ee dalka Jarmalka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close