Jurgen Klopp oo ka hadlay weerarkii loo gaystay kooxdiisii hore ee Borussia Dortmund

(Liverpool) 14 Abriil 2017 Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay weerarkii loo gaystay kooxdiisii hore ee Borussia Dortmund.

Talaadadii ayaa weerar lagu qaaday gaarigii siday ciyaartoyda Borussia kaas oo ku sii jeeday garoonka, waxaana uga dhaawacmay Marc Bartra.

Klopp ayaa sheegay inuu sifiican u garanayo halka uu qaraxu ka dhacay, wuxuuna intaa ku daray in asxaabtiisa intabadan ay saarnaayeen gaarigii lala eegtay qaraxa.

“Wuxuu ahaa waqti aad u adag, sifiican ayaan u garanayaa halkii ay wax ka dheceen, asxaabteyda badankood waxay saarnaayeen gaariga” ayuu yiri tababare Klopp.

“Waxaan la xiriiray inyar oo iyaga kamid ah, inbadan ayaan u baqayay iyaga, waan ku faanayaa wixii ay sameeyeen Borussia iyo qaabkii ay u wajeheen dhacdadaas”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close