TWITTER-KA: Qaar ka mid ah laacibiinttii hore iyo kuwa haatan ee AC Milan oo u mahad celiyay Berlusconi

(Milano) 13 Abriill 2017 – Silvio Berlusconi ayaa kaddib 31 sano oo uu maamulayay AC Milan oo uu iibsadey iyadoo musalliftay wuxuu kasii iibiyay ganacsade Chinese ah oo la yiraahdo Yonghong Li.

“Maanta, kaddib in ka badan 30 sanadood, waxaana ka tegayaa xilkii madaxwaynenimada AC Milan,” ayuu ku bilaabay Berlusconi.

“Waxaan sidaa ku samaynayaa calool xumo iyo xanuun, balse waxaan ogahay in kubadda casrigan, ay u baahan tahay maalgelin dhaqaale haddii aad doonayso inaad u tartanto koobabka Yurub iyo adduunka taasoo uusan hal qoys ka bixi karin.” ayuu raaciyay.

Haddaba, qaar badan oo ka mid ah laacibiintii hore iyo kuwa haatan ee ee AC Milan qaarkood ayaa aad ugu mahadceliyay Silvio Berlusconi ee hoos ka akhri.

b1

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close