Robert Lewandowski oo diyaar ah 100% iyo Gareth Bale oo shaki laga muujinayo

ddd

(Madrid) 13 Abriil 2017. Gareth Bale ayaa shaki laga muujinayaa taam ahaanshihiisa lugta labaad ee wareega sideed dhammaadka Champions League ay usbuuca soo socda wada yeelan doonaan Real Madrid iyo Bayern Munich.

Lugtii hore ee xalay lagu soo ciyaaray dalka Germany waxaa 2-1 ku soo badisay kooxda reer Spain balse camaaliqada Jarmalka waxaa ka maqnaa dhaliyahooda Robert Lewandowski.

Bale ayaa ka hor tag ahaan garoonka looga saaray iyadoo lagu badelay Marco Asensio kaddib dhibaato uu ka dareemayay muruqa.

Lewandowski will '100 per cent' return for Bayern in second leg of Madrid clash

Xiddiga reer Wales ayaan ku soo laaban qaab fiican tan iyo sidii uu u soo gaaray dhaawicii uu muddada garoomada ugu maqnaa, waxa uuna iminka seegi doonaa kulanka ay cad cadka la yeelan doonaan Sporting Gijon, laakii shaki ayaa ku jira inuu taam u noqon doono kulanka Bayern.

Dhanka kale guddoomiyaha kooxda Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge ayaa xaqiiyay in dhaliyahooda Robert Lewandowski uu 100% taam u yahay kulanka Real Madrid ee usbuuca na soo aadan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close