RASMI: Paulo Dybala oo heshiis cusub qalinka ugu duugay kooxdiisa Juventus

(Torino) 13 Abriil 2017 Weerar yahanka kooxda Juventus ee Paulo Dybala ayaa heshiis cusub qalinka ugu duugay kooxdiisa sida ay baahisay kooxda reer talyaani.

Paulo Dybala ayaa qalinka ku duugay heshiis ku eg ilaa 2022, waxayna ka dhigantahay inuu kooxdiisa la sii joogi doono 5-ta sano ee soo socota.

Laacib kaan ayaa lala xiriiriyay kooxaha Barcelona iyo Real Madrid, balse Juventus ayaa u muuqata koox aan doonayn inay si fudud ku fasaxdo laacibkeeda.

Heshiis kordhinta Dybala ayaa imaanaysa 2-maalin kadib markii uu quusiyay kooxda Barcelona oo uu ka dhaliyay 2-gool kulankii lugta hore ee wareega  sideed dhamaadka koobka horyaalada yurub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close