RASMI: AC Milan oo ay iibsatey dallad Chinese ah (Faahfaahinta)

(Milano) 13 Abriil 2017 – Iibkii muddada jiitamayay ee AC Milan ayaa haatan si rasmi ah usoo afjarmay iyadoo ay kooxdu ka wareegtey milkiyadda Silvio Berlusconi kaddib 31

Waxaa kooxda iibsatey dallad Chinese ah oo uu hoggaaminayo Yonghong Li ayaa muddo isku dayaysay inay iibsato kooxda Rossoneri, balse dhowr jeer buu dib u dhacay.

Yeelkeede, kaddib mrkii la laalay Sino-Europe Sports oo lagu bedeley Rossoneri Sport Luxembourg waxaa yimid xal cusub oo waxaa lacagtii inta ka dhimanayd laga helay hay’ad wax maalgelisa oo Maraykan ah oo la yiraahdo Elliot Management, iyadoo sidaa lagusoo afjaray iibka Milan.

“Fininvest waxay maanta soo afjartay iibka AC Milan oo lagu wareejiyay Rossoneri Sport Investment Lux oo iibsatey saamiga oo idil ku dhowaad oo ah 99.93 saamiga AC Milan”, ayuu u dhignaa war kasoo baxay Fininvest oo kooxda laga iibsadey.

B

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close