Manchester United oo bus-kooda caawa lagu galbin doono diyaarado Helicopter-ro ah, iyo ciidamo badan marka ay u socdaan garoonka Anderlecht

Policemen-stand-guard-in-front-of-a-team

(London) 13 Abriil 2017. Manchester United waxa laga xoojin doonaa dhinaca amaanka inta ay joogaan Belgium-ka kulanka ay la leeyihiin Anderlecht ee sideed dhamaadka Europa League.

Red Devils waxa ay u safreen Brussels lugta hore ee sideed dhamaadka Europa League kaddib markii la qarxiyey Buskii Borussia Dortmund salaasadii.

Waxaa qaraxa lala eegtay Dortmund xilli ay ku sii socdeen gegida oo ay kulan kula lahaayeen Monoco waxaana cisbitaalka loola cararay Marc Bartra.

Qoraal goobta qaraxa laga helay waxaa loogu digay xiddigaha kubadda cagta.

United inta ay jogaan Brussels wax walba oo ay ku ilaalinayaan amaankooda wey sameynayaan.

Hawlgal baaxad leh ayaa lagu dhawaaqay intii ay United u socotay Belgium-ka.

The-Dortmund-team-bus-arrives-with-a-Police-escort-before-the-match

Waxaa isku hareern doonaa Bus-ka Man United inta uu u socda Vanden Stock Stadium ciidamo boolis ah oo tiro badan.

Booliska waxaa sidoo kale taageeri doona shish yahanno iyo diyuuradaha Helicopter-ka loo garanayo.

Anderlecht waxa ay sheegeen in amaankooda tallaabooyinkii lagu sugi lahaa diyaar yahay, waxaa la baari doonaa dhamaan taageereyaasha marka ay gallayaaan garoonka lamana ogola boorsooyin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close