Lionel Messi oo lagu qalqaalinayo inuu tago xarunta FIFA si looga yareeyo ganaaxa

 

(Buenos Aires) 13 Abriil 2017 Kabtanka xulka Argentina ee Lionel Messi ayaa lagu qalqaalinayaa inuu tago xarunta xiriirka kubadda cagta aduunka ee FIFA.

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday inuu jiro isku day badan oo ka socda dhanka xiriirka kubadda cagta Argentina kuwaas oo doonaya in Messi ay u kexeeyaan magaalada Zurich si looga yareeyo ganaaxa.

4-ta bisha May ayaa lagu balansanyahay in la dhagaysto dhacdadii Messi uu kula kacay calanwadaha kulankii Chile kaas oo sababay in laganaaxo 4-kulan.

Messi 1

Messi ayaa muhiim u ah inuu xaadiro dhagaysiga dacwada, waxaana safarka ku wehlin doona qareenka xiriirka kubadda cagta Argentina.

Madaxwaynaha xiriirka Argentina ayaana la filayaa inuu u duulo Barcelona maalmaha soo socda si uu Messi ugu qanciyo inuu tago xarunta FIFA.

Wargayska ayaa intaa ku daray in Messi uu u arko in marka hore la magacaabo tababare cusub ka hor inta aan laga hadlin qafiifinta ganaaxiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close