Arsenal oo heshiis cusub u soo bandhigtay Sanchez (Wuxuu noqonayaa laacibka ugu mushaarka badan Horyaalka Ingiriiska)

(London) 13 Abriil 2017 Kooxda Arsenal ayaa go’aansatay inay bangigeeda u jabiso laacibka reer Chile ee Alexis Sanchez kaas oo haatan ka gadoodsan kooxda.

Evening Standard ayaa daaha ka qaaday in kooxda Arsenal ay soo hor dhigtay laacibkeeda Alexis Sanchez heshiis uu ku noqonayo laacibka ugu mushaarka badan horyaalka ingiriiska.

Gunners ayaa diyaar ula ah Alexis Sanchez inay siiso isbuucii aduun dhan 300 kun oo Ginni, haddii uu qalinka ku duugo heshiis kaan cusub.

Isbuucaan ayaa la baahiyay in Alexis Sanchez uu doonayo inuu ka tago Arsenal, balse wargayska ayaa sheegay in laacibku uu ku faraxsanyahay nolosha London.

Alexis Sanchez wali kama jawaabin heshiiska ay Arsenal u soo bandhigtay, wuxuuna sugayaa inuu ogaado mustaqbalka tababare Wenger iyo qorshaha kooxda ee xiliciyaareedka dambe.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close