Waqtiyada la ciyaarayo horyaalka Talyaaniga oo isbedello loogu sameeynayo Juventus darteed! (Oo waayo?)

(Roma) 12 Abriil 2017 – Waxaa lagama fursadaan ah in isbedel lagu sameeyo xilliyada la ciyaaryo kulamada Serie A gaar ahaan todobaadyada 34, 35 iyo 36, kaasoo saamaynaya kulamada Roma-Lazio, Inter-Napoli, Milan-Roma iyo Roma-Juventus.

Isbedelka lagu sameeynayo aminta kulamadan la dheeli doono ayaa ku xirraan doona haddii ay Juve usoo baxdo nus-dhamaadka Champions League.

Haddii ay Barcelona oo ay 3-0 ku hoggaaminayaan soo dhaafaan, waxaa ciyaarta Atalanta-Juventus loo riixi doonaa Jimce 28 Abriil 21.45. Haddiise Juventus la reebo Torino-Sampdoria ayaa Sabtiga la gayn doonaa Abriil 29, 21.45.

Sidoo kale Derby-ga Torino ayaa loo weecin doonaa Jimce Maajo 5 saacadda 21.45 haddii kulanka Juve ee nus-dhamaadka Champions League uu noqdo Talaado Maajo 2.

Haddii ay taasi dhacdo, sidoo kale waxaa la wareejin doonaa Napoli-Cagliari oo dheeli doona Sabti Maajo 6 saacadda 21:45, iyadoo isku aadka nus-dhamaadka Champions League la samaynayo Abriil 21, derby-ga Roma ayaa isaga laga dhigi doonaa xilliga qadada ama duhurkii.

Todobaadka 34-aad

Sabti Abr 29

Torino-Sampdoria (17.00 UK, 16.00 GMT)

Atalanta-Juventus (19.45 UK, 18.45 GMT)

Axad Abr 30

Roma-Lazio (11.30 UK, 10.30 GMT)

Inter-Napoli (19.45 UK, 18.45 GMT)

Todobaadka 35-aad

Sabti Maajo 6

Napoli-Cagliari (17.00 UK, 16.00 GMT)

Juventus-Torino (19.45 UK, 18.45 GMT)

Axad Maajo 7

Udinese-Atalanta (11.30 UK, 10.30 GMT)

Milan-Roma (19.45 UK, 18.45 GMT)

Todobaadka 36-aad

Sabti Maajo 13

Fiorentina-Lazio (17.00 UK, 16.00 GMT)

Atalanta-Milan (19.45 UK, 18.45 GMT)

Axad Maajo 14

Inter-Sassuolo (11.30 UK, 10.30 GMT)

Roma-Juventus (19.45 UK, 18.45 GMT)

b

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close