PSG oo heshiis cusub u soo bandhigtay Serge Aurier

(Paris) 12 Abriil 2017 Kooxda PSG ayaa beegsanaysa inay heshiis cusub ka saxiixdo daafaceeda Serge Aurier kaas oo horay mugdi u galiyay mustaqbalkiisa kooxda.

Serge Aurier ayaa haatan kula jira kooxda reer France heshiis dhacaya ilaa 2019, laakiin kooxda ayaa qorshaynaysa inay ka saxiixdo heshiis ku eg ilaa 2022.

France Football ayaa baahisay in agaasimaha ciyaaraha ee kooxda PSG Patrick Kluivert uu diyaarinayo inuu hor dhigo Serge Aurier heshiis 3-sano ah.

Image result for serge aurier

Serge Aurier ayaan boos joogto ah ka haysan kooxdiisa xiliciyaareed kan, wuxuuna horay u sheegay in wax walba ay suurogal tahay taas oo ka dhignayd inuu ka fikirayo mustaqbalkiisa PSG dhamaadka xiliciyaareed kan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close