DAAWO: Ninka iibsanaya AC Milan ee Yonghong Li oo kasoo degey Milano & hoowsha oo gebagebo ah + Sawirro

(Milano) 12 Abriil 2017 – Yonghong Li ayaa lasoo sawiray isagoo kasoo degaya garoonka caalamiga ah ee Milano ee Malpensa si uu berri u saxiixo iibsiga AC Milan.

Gazzetta dello Sport ayaa werinaya in uu ninkani hadda bixin doono €190m si loo dhamaystiro heshiiska, waxaana taa dheer €250m oo horay loo bixiyay iyo €180m oo ka imanaysa American Elliott.

Lacagta Li laga sugayo ayaa shalay soo gaartey khasnadaha Luxembourg waxaana loo xawili doonaa Fininvest berri subax, si heshiiskan jiitamayay ugu dambayn loo dhamaystiro.

Maamullada laba dhinac ayaa waxaa sugaya maalmo mashquul badan oo ay kulamo badan qaadan doonaan min maanta ilaa Jimcaha, berri oo Khamiis ah waa saxiixa heshiiska, Jimcaha waa shirka jaraa’id, iyadoo Sabtiga marka ay wax rasmiyoobaan, lagu wado in ay Milanello tagaan Marco Fassone iyo Massimiliano Mirabelli, oo la kulmi doona Vincenzo Montella iyo laacibiinta kooxda kahor kulanka Derby-ga oo isla maalintaa duhurkii la dheeli doono.

b4 b3 b2 b

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close