DERBY MILANO: Kulanka Inter Milan vs AC Milan oo rikoodhka jebin doona dhanka daawashada TV-yada (Imisaa daawan doonta?)

(Milano) 12 Abriil 2017 – Kulanka Sabtiga soo aaddan dhexmari doona kooxaha Inter Milan vs AC Milan ayaa rikoodhka jebin doona dhanka daawashada TV-yada marka guud ahaan dib loo eego taariikhda kubadda cagta Talyaaniga, sida ay ku dhwaaqday hay’adda Lega Serie A.

Kulankan oo lagu wado inuu noqdo wax ay saxaafadda Talyaanigu ku tilmaantay ”derby-gii Chinese-ka” maaddaama lagu wado in xilligaas ay labada kooxba ku wareegi doonaan milkiyadda Shiinaha oo ay Inter horay ugu jirtey ayaa la dheeli doonaa duhurkii 12:30 si taageerayaasha Bariga Fog loogu saamaxo inay daawadaan ciyaarta.

Waxaa sidaa daraadeed la sheegay inay Shiinaha oo qura ka daawan doonaan 566 milyan oo qof, iyadoo guud ahaan uu lambarkaasi gaari doono 862 milyan oo qof marka caalamka oo idil la xisaabo, iyadoo ay 39 TV caalamka u gudbin doonaan.

Gobolka 2-aad ee ugu daawashada badani wuxuu noqon doonaa Yurub oo ay kala socon doonaan 186 milyan oo ka daawan doona 20 TV oo kala geddisan, halka Bartamaha iyo Koonfurta Ameerika ay gaarsiisan yihiin 98 milyan oo ka daawan doona 3 TV.

Kooxda AC Milan ayaa berri lagu wadaa inuu iibsado Yonghong Li oo saaka yimid Talyaaniga, iyadoo lagu wado in dib u dhis lagu sameeyo, waxayna arrintan kororka daawashadu soo celinaysaa dhadhankii ka lumay Calcio 10-kii sanee u dambeeyay.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close