DEG DEG: Robert Lewandowski oo seegaya kulanka caawa ee Real Madrid

(Munich) 12 Abriil 2017 Kooxda Bayern Munich ayaa helaysa war aysan ku farxin kadib markii la ogaaday in weerar yahankooda reer Poland uusan ciyaari karin kulanka caawa.

Robert Lewandowski ayaa ku dhaawacmay kulankii kooxdiisu ay guusha ka gaartay Borussia Dortmund, markaas oo dhaawac uu ka soo gaaray dhanka garabka.

Wargayska Bild ayaa baahiyay in Robert Lewandowski uusan ciyaari doonin kulanka caawa, kadib markii uu taam u noqon waayay ciyaarta.

Wararka ayaa intaa ku daraya in xitaa laacib kaan uusan soo fariisan doonin kursiga keydka, waxaana caawa hogaamin doona weerarka Bayern Munich laacibka reer Jarmal ee Thomas Muller.

Warkaan ayaa ah mid u wanaagsan dhagaha taageerayaasha kooxda Real Madrid oo doonaya inay guul ku soo gaaraan caawa Allianz Arena.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close