Cristiano Ronaldo oo RIKOODH cusub ka dhigay tartamada yurub

(Munich) 12 Abriil 2017 Laacibka kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa rikoor cusub ka dhigay tartamada yurub kadib 2-gool oo uu ka dhaliyay kooxda Bayern Munich.

Goolkii labaad ee Cristiano Ronaldo uu ka dhaliyay caawa Bayern Munich ayaa ahaa kiisii 100-aad ee dhamaan tartamada yurub.

97 gool wuxuu ka dhaliyay Champions League, 2-gool wuxuu ka dhaliyay Super Cup-ka yurub, halka isreeb reebka koobka horyaalada yurub uu ka dhaliyay hal gool, wadar ahaanta goolashaas ayaana ah 100-gool.

Ronaldo ayaa sidaas ku noqday laacibkii ugu horeeyay taariikhda ee tartamada yurub ka dhaliya 100-gool, rikoorkaas ayaana haatan ah mid isaga u yaala.

Ronaldo ayaa ka caawiyay kooxdiisa inay dib u soo laabato kadib gool uu ka dhaliyay Arturo Vidal qaybtii hore ee ciyaarta.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close