CL: Kooxda Real Madrid oo ka soo badisay Bayern Munich oo kaarka cas laga qaatay, xilli labo jeer uu shabaqa soo taabtay Cristiano Ronaldo… + SAWIRRO

(Munich) 12 Abriil 2017 – Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa guul 2-1 ka soo gaartay naadiga Bayern Munich oo laga qaatay kaarka cas, lugta hore ee siddeed dhammaadka Koobka horyallada Yurub.

Bayern Munich oo marti loo ahaa ayaa goolka la horreysay waxaana kubbad uu koorno ka soo qaaday Thiago Alcantara, madax ku dhaliyey 25’daqiiqo Arturo Vidal, kulanka ayaana 1-0 lagu hoggaamiyey Real Madrid.

Bayern Munich ayaa iska lumisay fursad ay hoggaanka ciyaarta ku dheereysan kartay, waxaana gool ku laad loo dhigay ka lumiyey dhammaadkii qeybtii hore ee ciyaarta Arturo Vidal, kaddib markii ay kubadda gacan kaga dhacday difaaca Real Madrid ee Daniel Carvajal, dhaliyaha goolkii koowaad ee Bayern Vidal ayaana rigooradaas goolka dulmaraiyey, kulanka ayaana lagu kala nastay 1-0 looga gacan sarreeyey kooxda reer Spain.

Qeybtii labaad ee ciyaara markii dib la isugu soo laabtay Real Madrid ayaa la timid goolka barbaraha waxaana 47’daqiiqo kubbad uu dadab ka soo qaaday Daniel Carvajal si wacan u dhammaystiray oo dhaliyey Cristiano Ronaldo, kulanka ayaana sidaa ku noqday gar isku mid ah 1-1.

Javier Martinez ayaa kaarka cas ka qaatay 61’daqiiqo markii kaarkiisii labaad ee digniinta uu ku qaatay qalad uu ku galay Cristiano Ronaldo.

Markaas kaddib Real Madrid oo cadaadiska ku badisay Bayern Munich ayaa la timid goolka labaad ee ciyaarta waxaana markale u dhaliyey 77’daqiiqo Cristiano Ronaldo, kaddib markii uu si wacan u dhammaystiray kubbad uu soo karoosay Marco Asensio, kulanka ayaana sidaa ku noqday 2-1 looga gacan sarreeyey Bayern Munich.

Dhammaadkii ciyaarta laad xor ah oo loo dhigay Real Madrid ayaa karooskii ka yimid waxaa madax ku dhaliyey kabtan Ramos, laakiin waxaa loo sheegay inuu Offside ama garab dhaaf ka soo laabtay, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 2-1 ay ku badiyeen wiilasha Zidane.

Kulanka lugta labaad ee siddeed dhammaadka Champions League kaa soo ka dhici doona magaalada Madrid ayaa go’aamin doonta kooxda u gudbi doonta afar dhammaadka tartankan, waxaana Bayern Munich looga fadhiyaa inay ka soo kabato labo gool oo gurigeeda looga dhaliyey.

SAWIRRO:

C9PTsqpXkAIyVf3

C9PHxHWXgAAsP46

C9PTQIwW0AUXl9s

C9PN-5XXgAU2_yf

C9PHxHsXsAERypZ

C9PCE6oXkAE-DDe

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close