RASMI: Neymar oo seegi doona El-Clasico kadib ganaax seddex kulan ah oo la dul dhigay

(Barcelona) 11 Abriil 2017 Gudiga dishibiliinka ee xiriirka kubadda cagta dalka Spain ayaa ganaax culus garka u galiyay laacibka reer Brazil ee Neymar.

Xiddigaan ayaana qaatay casaan kulankii kooxdiisa looga adkaaday 2-0 bilowgii isbuucaan, wuxuuna u sacbiyay garsoorihii afaraad taas oo ka dhigan inuu ku jees jeesay garsooraha.

Gudiga ayaa ku riday Neymar ganaax 3-kulan ah oo uu ka maqnaan doono kooxdiisa Barcelona, kulanka ugu muhiimsan ayaana ah kan Real Madrid.

Ganaaxa laacib kaan ayaa loo cuskaday qodobka 117 ee xeerka ciqaabta xiriirka kubadda cagta Spain, kooxda Barcelona ayaana la filayaa inay racfaan ka qaadato ganaaxan si ay u soo yarayso kulamada uu maqnaan doono.

Sidoo kale gudiga anshaxa ee xiriirka kubadda cagta Spain ayaa ku ganaaxay Neymar iyo Barcelona bixinta lacag dhan 600 ilaa 700 oo euro.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close