Marcos Alonso oo ka hadlay gool la’aanta soo wajahday Diego Costa

(London) 11 Abriil 2017 Daafaca kooxda Chelsea ee Marcos Alonso ayaa ka hadlay gool la’aanta soo wajahday weerar yahankooda Diego Costa.

Laacibka asal ahaan ka soo jeeda Brazil ayaa ku guuldaraystay inuu shabaqa soo taabto 5-tii kulan ee ugu danbaysay ee ay ciyaartay kooxdiisa.

Marcos Alonso ayaana aaminsan in Costa uu gool dhalin karo kulanka Manchester United maadama laacibku uu sifiican u soo muuqdo kulamada waa wayn.

Image result for Marcos Alonso and Costa

Alonso ayaa la waydiiyay in Diego Costa uu yahay laacib soo muuqda kulamada waa wayn? wuxuuna ku jawaabay:

“Haa, Kulanka Manchester United waa mid aad noogu adag, laakiin muhiim ma ahan cida goolka noo dhalin doonta, waxaan rajaynayaa inaan ka qaadano 3-da dhibic”.

“Costa saamayn badan ayuu ku leeyahay Chelsea xiliciyaareed kan, wuxuu dhaliyay ku dhawaad 20 gool, si muuqata ayuuna u caawiyay kooxda, intaas oo kaliya ma ahan ee sidoo kale waa laacib ku haboon qaab ciyaareed keena”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close