”Buffon insaanba maaha” – Paolo Montero

(Montvideo) 11 Abriil 2017 – Daaficii hore ee Paolo Montero ayaa ka ra’yi dhiibtey kulankii Juventus-Barcelona isagoo ku dooday in Gianluigi Buffon “uusan insaanba ahayn!”

Gaashaankan oo ka dheeli jirey daafaca dhexe ayaa lagu xusuustaa inuu gool ka dhaliyay kooxda Blaugrana mar ay labada kooxi kulmeen 2003 oo ay sidan oo kale isku arkeen rubuc-dhamaadka Champions League, iyadoo ay Bianconeri ay caawa Barça ku wajahayso isla marxaladaas.

“Goolal badan maba dhalinin taariikhdayda lkn midka aan Barcelona ka dhaliyay waxaan u xusuustaa si faahfaahsan,” ayuu Montero u sheegay Gazzetta dello Sport.

“Juve-da maantu sidii oo kale ayay u adag tahay, balse waa si ka yara duwan laga yaabee. [Gonzalo] Higuain iyo [Paulo] Dybala waa laacibiin waawayn oo gool dhalin kara daqiiqad kasta.” ayuu raacshey.

“Buffon weli waa sidiisii uu berigaa ahaa, ma aha insaan (caadi ah). Waxaan ku xusuusan doonnaa inuu yahay goolwalihii ugu wanaagsanaa abid.” ayuu ku dooday Montero.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close