Kooxda Liverpool oo ku dhawaaqday inay kulan saaxiibtinnimo la ciyaarayso Sydney FC

(Liverpool) 10 Abriil 2017 – Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku dhawaaqday inay kulan saaxiibtinnimo markeedii ugu horreysay abid la ciyaari doono naadiga Sydney FC dhammaadka xilli ciyaareedkan.
Kooxda Merseyside-ka ka dhisan ayaa kulankeeda ugu dambeeyey Premier League ololahan waxa ay ciyaari doontaa 21-ka bisha May ee soo aaddan, laakiin waxa ay qorshaheeda ku darsatay inay la dheesho Sydney FC, saddex maalin kaddib oo ku beegan 24-ka bisha May.
Safiirka kooxda Liverpool ee Ian Rush ayaa yiri: “Waxaan taageerayaal fara badan ku leenahay Australia, waana meel had iyo jeer jawigeedu aad u fiican yahay markaan halkaas ku ciyaarno ama halkan.”
“Waa markii ugu horreysay oo ay Reds la ciyaarto Sydney, waxaana sii wadi doonaa inaan la dheelno kulan wayn mid ka mid ah kooxaha ugu fiian horyaalka Australia ee A-League.”
Sydney FC ayaa haantan kaalinta koowaad kaga jirta kala sarreynta horyaalka Australia ee A-League, waxaana kooxaha kale ee ku soo xiga ay ka sarreysaa 17-dhibcood oo nadiif ah.
Gool FM.