Kooxda Inter Milan oo doonaysa macallin Luciano Spalletti

(Milano) 10 Abriil 2017 – Wararka soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in Inter Milan ay ka baaraan degeyso inay soo qaadato macallinka AS Roma ee Luciano Spalletti si uu xagaagan u bedelo Stefano Pioli.

Kooxda Nerazzurri ayaa xilka u magacowday macallinkii hore ee Lazio oo la galeen qandaraas 18-bilood ah bishii Nofeembar, kaddib markii ay eryeen Frank de Boer oo muddo aad u gaaban la joogey.

Yeelkeede, 3 kulan oo xiriir ah ayay guul ka caagan tahay Inter, taasoo ay ugu dambaysay guuldarro bahdil ah oo ka gaartey Crotone shalay galab, taasoo dabcan dood gelisey mustaqbalka macallin Pioli.

Sida ku qoran Premium Sport, Spalletti ayaa wuxuu ka mid yahay dhowr macallin oo ay ka baaraan degeyso kooxda Inter, tiiyoo ay Inter sii caawinayso macallinkan oo uu qandaraaskiisu dhacayo xagaagan, welina aan heshiis cusub la gaarin Giallorossi.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close