EPL: Arsenal oo guuldarro kala soo laabtay kooxda Crystal Palace oo ay booqatay… (Rajadii afarta sare ee Gunners oo la garaafeeyey) + SAWIRRO

(London) 10 Abriil 2017 – Kooxda kubadda cagta Crystal Palace ayaa guuldarro wayn dusha u soo saartay naadiga Arsenal oo marti u ahayd kulan ka tirsan Premier League, waxaana ay uga badisay saddex gool oo ay u kala dhaliyeen saddex ciyaaryahan oo kala duwan.

Kooxda martida loo ahaa ee Crystal Palace ayaa goolka la horreysay waxaana kubbad ay isku baas-baasteen xiddigaha Palace, 17’daqiiqo hoggaanka ciyaarta ugu dhiibay Andros Townsend, kaddib baas uu ka helay Wilfried Zaha.

Arsenal ayaa baadi goob u gashay sidii ay ku soo barbarayn lahayd goolkaas qeybtii hore ee ciyaarta, laakiin dhowr fursadood oo ay samaysay Gunners, waxaa ka beeniyey difaacyada Palace, kulanka ayaana lagu kala nastay 1-0 ay ku gacan sarreeyeen wiilasha Crystal Palace.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Crystal Palace ayaa hoggaanka ciyaarta sii dheereysay waxaana goolka labaad ee kulankan u dhaliyey 63’daqiiqo Yohan Cabaye, kaddib caawin uu markale sameeyey kulankan Wilfried Zaha, waxaana Cabaye uu dhammaystiray kubbad uu dadab ka soo dhigay Zaha, kulanka ayaana Gunners lagu hoggaamiyey 2-0.

Crystal Palace ayaa la timid goolka saddexaad ee ciyaarta waxaana uu ahaa gool ku laad ama rigoore uu u dhaliyey 68’daqiiqo Luka Milivojevic, kaddib markii goolhayaha Arsenal ee Emiliano Martinez uu xerada rigoorada ku jilaafay Andros Townsend, kulanka ayaana sidaas ku noqday 3-0 ay ku gacan sarreysay Palace.

Markaas kaddib labada kooxood ayaa fursado goolal loo filan karay isku helay laakiin ugu dambayn kulankii ka dhacay garoonka Selhurst Park ayaa ku soo idlaaday 3-0 ay ku adkaatay Crystal Palace, iyadoo kooxda Wenger ay guuldarro la soo laabatay.

Kooxda Arsenal ayaa guuldarradan waxa ay dhaawacaysaa rajadeeda afarta sare ee Premier League, waxaana Gunners ay iminka leedahay 54-dhibcood iyadoo ku jirta kaalinta 6-aad kaddib 30 kulan oo ay ciyaartay.

Dhinaca kale guushan ay gaartay Crystal Palace ayaa uga dhigan wax wayn maxaa yeelay waxa ay ka cararaysaa inay u dhacdo heerka labaad waxaana ay haatan fadhisaa kaalinta 16-aad ee horyaalka Premier League, iyadoo leh 34-dhibcood, kaddib 31 kulan oo ay dheeshay.

SAWIRRO:

C9FHgXeXcAAnCTM

C9FHgXfXgAE2Ss3

C9FHgXfXUAE8xSr

C9FHgYNXkAYzwz1

C9E3goRXkAQ3sQL

C9E3h6MXcAIoJYk

C9E3h6QWsAIc1Wf

C9E3hz9XcAML4uO

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close