Bayern Munich oo wajahaysa dhibaato cusub ka hor kulanka Real Madrid, Lewandowski oo seegay tababarkii saaka

(Munich) 10 Abriil 2017 Kooxda tababare Carlo Ancelotti ayaa wajahaysa dhibaato cusub ka hor kulanka ay arbacada la ciyaari doonaan dhigooda Real Madrid.

AS ayaa daaha ka qaaday in weerar yahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski uu seegay tababarkii saaka ee kooxdu ay isugu diyaarinaysay kulanka arbacada.

Inkasta oo tababare Ancelotti uu saxaafada u sheegay in Robert Lewandowski uu ciyaari doono kulanka Real Madrid, misana laacibka ayaan tababar qaadan maalintii labaad oo xiriir ah kadib dhaawac ka soo gaaray garabka.

Laba maalin oo kaliya ayaa ka hartay ciyaarta, weerar yahanka reer Poland-na kama soo muuqan tababarka buuxa ee kooxda, taas oo cabsi galinaysa kooxda reer jarmal.

Dhanka kale waxaa dib u soo laabtay goolhaye Manuel Neuer kaas oo tababarka la qaatay kooxda, laakiin tababarkiisii saaka ayaa ahaa mid lagu dheehay taxadar badan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Neuer uusan saaka taabsiin kubadda lugtii looga sameeyay qaliinka, taas oo mugdi galinaysa taam ahaanshihiisa kulanka Real Madrid.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close