Wakiilka Olivier Giroud oo beeniyay wararka la xiriirinaya kooxda Marseille

(London) 08 Abriil 2017 Wakiilka weerar yahanka Arsenal ee Olivier Giroud ayaa beeniyay wararka laacib kaan la xiriirinaya kooxda Marseille ee horyaalka France.

Qaar kamid ah saxaafada Faransiiska ayaa baahiyay maalmihii la soo dhaafay isku day ay damacsantahay kooxda Marseille oo ah sidii ay Arsenal uga qaadan lahayd Giroud.

Wakiilka Giroud ayaa ku tilmaamay wararkaas kuwo been abuur ah, wuxuuna cadeeyay inaysan jirin wax dhexmaray Giroud iyo kooxda Marseille.

Giroud

“Wax walba oo ku saabsan arinkaas waa been, ma jirto wax dhex maray laacibka iyo kooxda Marseille” ayuu yiri wakiilka Giroud.

“Ma dhihi karo wax ma dhici karaan suuqa xaggaaga, laakiin haatan ma jirto wax laga hadli karo” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close