Taageerayaasha Real Madrid oo ku camirtay Koke kadib saacadii laga dhacay shalay

(Madrid) 08 Abriil 2017 Taageerayaasha kooxda Real Madrid ayaa ku camirtay laacibka qadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid ee Koke kaas oo shalay ay dheceen kooxo hubaysan.

25 jirkaan ayaa laga dhacay saacad qaali ah oo qiimaheeda lagu sheegay 70 kun oo euro hal maalin ka hor kulanka Derby Madrid.

Waxaana lagu eedeeyay falkaas inay ka danbeeyeen qaar kamid ah taageerayaasha kooxda Real Madrid oo doonayay inay qalqal galiyaan laacibka ka hor kulanka.

Wargayska Sport ayaa daaha ka qaaday hadalo ay ku qaylinayeen taageerayaasha Real Madrid intii ay socotay ciyaarta, waxayna dhahayeen:

“Koke, saacadu waa meeqa ama waa meeqo saac?” oo ay ula jeedeen saacadii qaaliga ahaa ee shalay laga dhacay, u jeedkooda ayaana ahaa sidii laacibka ay u galin lahaayeen mashquul ka baxsan ciyaarta.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close