Massimiliano Allegri oo ku dhaw inuu heshiis cusub u saxiixo Juventus

(Torino) 08 Abriil 2017 Tababaraha kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri ayaa ku sii dhawaanaya inuu heshiis cusub qalinka ugu duugo kooxdiisa.

49 jirkaan reer talyaani ayaa lala xiriiriyay shaqada kooxaha Arsenal, Barcelona iyo PSG, balse maamulka kooxda ayaa ku qanciyay inuu saxiixo heshiis cusub.

Sida ay baahisay (La Stampa) tababare Massimiliano Allegri ayaa ku dhaw inuu qalinka ugu duugo Juventus heshiis ku eg ilaa 2020.

hd-massimiliano-allegri-juventus_rctpw6xnbmpe1090ajdi7d24z

Tababare Allegri ayaa ku sii dhawaanaya inuu kooxda u qaado horyaalkii 6-aad oo xiriir ah, sidoo kale wuxuu xiliciyaareed kan kooxda u soo saaray Final-ka Coppa Italia oo ay isla ciyaari doonaan Lazio.

Kooxda ayaa dhanka kale la balansan talaadada Barcelona kulanka lugta hore ee sideed dhamaadka koobka horyaalada yurub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close