Xulka Brazil oo markii ugu horreysay 6-sano kaddib hoggaanka u qabatay qiimeynta xulalka Adduunka ee FIFA

bra-768x815

(World) 07 Abriil 2017 – Xulka Brazil ayaa dib ugu soo laabtay halka sare ee qiimeynta FIFA markii ugu horreysay muddo 6-sano ah kaddib, markii ay noqdeen xulkii ugu horreeyay ee koobka adduunka u soo baxa 2018.

Qiimeyntan oo la daabacay shalay oo ay taariikhdu ahayd 6-da bisha Abriil ayay wiilasha lagu naaneyso Samba dib ugu soo laabteen hoggaanka qiimeynta FIFA ee waddamada Adduunka, kaddib markii uu tababare Tite ku hoggaamiyay sagaal guul oo xiriir ah tan iyo sidii uu xilka ugu qabtay bishii June.

Brazil waa markii ugu horreysay tan iyo 2010-kii oo ay gasho kaalinta koowaad qiimeynta FIFA, waxaana mudadaas uu xulka Brazil dhaliyay 25-gool iyadoo laga dhaliyay 2-gool oo qura, kaddib markii ay garaaceenna xulka Paraguay waxay u soo gudbeen koobka adduunka iyagoo ka hor maray xul kasta oo kale.

C8w1XwZWsAACBZ6

Brazil ayaa hoggaanka qiimeynta FIFA kala wareegtay Argentina oo 12-kii bilood ee ugu dambeysay ku raaxeysanaysay halka sare.

Xulka guuldarrada ugu wayn ay soo gaartay waa xulka Holland kaa oo hoos u dhacay 11-boos isagoona tagay kaalinta 32-aad waana halkii ugu hooseysay uu ebid ka galo qiimeynta FIFA.

HADDABA HALKAAN HOOSE KA EEG LIISKA 20-KA SARE:

1- Brazil

2- Argentina

3- Germany

4- Chile

5- Colombia

6- France

7- Belgium

8- Portugal

9- Switzerland

10- Spain

11- Poland

12- Italy

13- Wales

14- England

15- Uruguay

16- Mexico

17- Peru

18- Croatia

19- Egypt

20- Costa Rica

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close