Tababare Claudio Ranieri oo booqday xarunta tababarka Chelsea, xilli wiilasha Antonio Conte ay isku diyaarinayaan kulanka Bournemouth… (Muuqaal + Sawirro)

(London) 07 Abriil 2017 – Tababare Claudio Ranieri  ayaa maanta booqasho ugu tagay kooxdiisii hore ee Chelsea, iyadoo dhinaca macallin Antonio Conte ay ku guda jireen tababarkii ugu dambeeyey oo ay isugu diyaarinayeen kulanka ay la leeyihiin Bournemouth.

Ranieri ayaa daawaday tababarkii ay maanta oo jimce ah qaadanayeen xiddigaha Chelsea, kaasoo ay isugu diyaarinayaan kulankooda soo aaddan ee Premier League.

Macallinkan reer Talyaani ayaa afar xilli ciyaareed la soo qaatay Blues bilowgii xirfaddiisa, waxa uu Ranieri xabadka geliyey qaar ka mid ah maamulka kooxda oo uu ku jiray macallin Antonio Conte.

Tababare Claudio Ranieri ayaa bishii Febraayo laga cayriyey shaqada tababarenimo ee kooxda Liecester City wax ka yar hal sano kaddib markii uu kooxda lagu naanayso Foxes ku hoggaamiyey hanashada horyaalka Premier League.

Kooxda hoggaaminaysa haatan horyaalka Premier League ee Chelsea ayaa u safraysa berri oo Sabti ah naadiga Bournemouth, iyagoo doonaya inay ku sii dhowaadaan hanashada horyaalka Ingiriiska.

Dhinaca kale Diego Costa oo weerarka uga dheela kooxda Chelsea ayaa la arkayey isagoo ku ciyaaraya oo jajabinaya qaar ka mid ah qalabka tababarka kooxda Blues, inkastoo uu muujiyey inuu ka xun yahay inuu sidaa yeelay.

DAAWO MUUQAALKA:

SAWIRRO:

3F084F4F00000578-4389584-Conte_defended_Ranieri_after_he_was_sacked_by_the_Foxes_earlier_-m-20_1491556878972

3F084F4900000578-4389584-Ranieri_has_been_without_a_club_since_leaving_Leicester_earlier_-m-19_1491556868084

3F084F5600000578-4389584-Ranieri_spoke_with_Antonio_Conte_during_the_session_at_Cobham_Tr-a-5_1491557855392

3F084F6400000578-4389584-Claudio_Ranieri_returned_to_visit_his_former_club_Chelsea_on_Fri-a-4_1491557855392

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close