SAWIRRO XUL  AH: Soomaaliya oo si weyn loogu xusay maalinta nabadda iyo Isboortiga

 (Muqdisho) 07 Abriil 2017Munaasibad aad u balaaran oo lagu xusayay Maalinta dunida looga dabaaldego isticmaalka cayaaraha ee nabadaynta dunida iyo maalin looogu magac daray cayaartoyda Soomaaliyeed ayaa shalay ka dhacday garoonka Banaadir ee magaalada Mogadishu.

Waxaa ka soo qayb galay in kabadan kun cayaartoy oo wiilal iyo gabdho isugu jiray kana kala socday kooxaha hoos taga  xiriirada ka dhisan Soomaaliya, degmooyinka gobolka Banaadir, iskuulada,  Jaamacadaha ciyaartoydii hore iyo mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga oo ay hoogaamineyso Khadiijo Maxamed Diiriye iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Ciyaartoyda ayaa socod ku soo maray garoonka iyadoo koox walba ku la bisan dareeska ay  caanka ku tahay iyo astaan u gaar ah.

Masuuliyiintii goobta ka hadashay ayaa si isku mid ah u sheegay in ay si weyn ugu faraxsan yihiin xuska maalinta Nabadda iyo Isboortiga iyo maalinta ciyaartooyda Soomaaliyeed, waxaana halkaasi lagu bixiyay koobabkii ay ku guuleysteen wiilasha kubadda gacanta Hodan iyo gabdhaha kubadda Koleyga Warta Nabadda  iyadoo si lamid ah koobab la guddoonsiiyay degmooyinkii soo galay booska labaad ee Shibis iyo Xamar Weyne.

Sikastaba qaban qaabada xafkaddaan ayaa waxaa iska kaashada Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga  iyo guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee  GOS, waana mid ka heersareysa bandhigii  sanadihii lasoo dhaafay.

IMG_0337 IMG_0338 IMG_0340 IMG_0341 IMG_0346 IMG_0356 IMG_0359 IMG_0370 IMG_0371 IMG_0381 IMG_0385 IMG_0389 IMG_0393 IMG_0395 IMG_0403 IMG_0411 IMG_0420 IMG_0424 IMG_0427 IMG_0434 IMG_0437 IMG_0440 IMG_0443 IMG_0453 IMG_0461 IMG_0468 IMG_0474 IMG_0478 IMG_0487 IMG_0490 IMG_0496 IMG_0500 IMG_0504 IMG_0505 IMG_0515 IMG_0517 IMG_0527 IMG_0539 IMG_0551 IMG_0565 IMG_0582  IMG_0597 IMG_0602 IMG_0605 IMG_0611 IMG_0616 IMG_0619 IMG_0620 IMG_0622 IMG_0623 IMG_0627 IMG_0628 IMG_0634 IMG_0642 IMG_0644 IMG_0653 IMG_0658 IMG_0664 IMG_0668 IMG_0673 IMG_0682 IMG_0689 IMG_0691 IMG_0696 IMG_0699 IMG_0701 IMG_0703 IMG_0708 IMG_0709 IMG_0713 IMG_0721 IMG_0722 IMG_0729 IMG_0755 IMG_0761 IMG_0799 IMG_0808 IMG_0810

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close