”Macallimiinta Talyaanigu waxay leeyihiin hal-abuur aan caadi ahayn” – Carlo Ancelotti

(Munich) 07 Abriil 2017 – Carlo Ancelotti ayaa ka hadlay waayihiisa macallinimo ee aflaxday maxalli ahaan iyo caalami ahaanba, isagoo kaddib AC Milan iyo Real Madrid, haatan doonaya inuu Champions League u qaabdo kooxda Bayern Munich isagoo taa ku tilmaamay “hal-abuurka” macallimiinta Talyaaniga sida uu yiri.

Macallinkii hore ee Parma, Juventus iyo Milan ayaa guulo la gaarey kooxaha Chelsea, Paris Saint-Germain iyo Real Madrid kahor intaanu imanin kooxda 5 jeer qaadday horyaallada Yurub ee Bayern Munich.

“Waan yara welwelsanaa markii aan ugu horreeyntii ka tegayay Talyaaniga 2009, balse wax kasta sahal ayay ii noqdeen meel kasta oo aan tago, barashada luuqad cusub, dhaqanno cusub oo aad u ban baxayso, laacibiin cusub, waa waxa i dhiirri geliyay, waana arrin aad u xiise badan,” ayuu u sheegay uefa.com.

Ancelotti ayaan la ayaab ka muujinin bandhigga macallin Antonio Conte ee Chelsea oo uu halka CL ee ay qaadday uu farta ka saaray Roberto Di Mateo, jeer ay horyaalka Ingiriiska horay u qaadeen macallimiinta Ancelotti, Mancini iyo Ranieri oo sanadkii tegey qaaday.

“Iskuuka tababar ee Talyaanigu waa mid hal-abuur leh marka ay timaaddo qaabka ay macallimiinta u diyaariyaan. Wax badan baan bartay anigoo kusoo waaya arkay kubadda Talyanaiga – marka aad eegto in kubadda Talyaaniga si gaar ah loo ciyaaro oo tafaasiisha taatikada iyo farsamada la eego – waxay kaa dhigaysaa mid hal abuur badan oo ciyaaraha u diyaariya si aad looga fikirey.” ayuu yiri Ancelotti.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close