Luis Enrique oo muujiyay sida uu uga walaacsan yahay weerarka Juventus

(Barcelona) 07 Abrii 2017 – Macallinka Barcelona ee Luis Enrique ayaa ku kaftamay in Juventus ay kayd geliso dhamaanba weerarkeeda marka ay wajahayaan kooxdan Catalan-ka ah Talaadada.

Barca ayaa Torino u safraysa Talaadada soo aaddan si ay Juve ugulasoo ciyaarto lugta hore ee rubuc-dhamaadka Champions League, iyadoo uu Enrique caddeeyay welwelka uu ka qabo weerarka afarta ee ay ku duusho Bianconeri sida Gonzalo Higuain, Mario Mandzukic, Juan Cuadrado iyo Paulo Dybala.

“Waxaan kula talin lahaa Allegri inuu laacibiintan kayd geliyo kulanka ay nala ciyaarayaan, Higuain, Mandzukic, Cuadrado iyo Dybala…sidaas baa wanaagsan inay ciyaartan u wajahaan,” ayuu macallinka Blaugrana ka sheegay shirka jaraa’id ee ka horreeyay ciyaarta Malaga ee La Liga

“Waase inaan diiradda saarnaa horyaalka. Waan ognahay inaan kusoo laabanayno Champions League oo aan xiisaynayno in badan, balse sidoo kale waannu ognahay halista ay leedahay inaynaan diiradda saarin horyaalka.” ayuu raaciyay.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close