AC Milan oo €60m ku doonaysa Karim Benzema

(Madrid) 07 Abriil 2017 – Kooxda AC Milan ayaa qorshaynaysa qaab ay kusoo qaadato qannaaska Real Madrid ee Karim Benzema xagaagan, iyadoo laacibkan ka dhiganaysa bartilmaameedka 1-aad.

Sida ku dhigan Tuttosport, ninkan French-ga ah ayaa muhiimadda 1-aad u ah hoggaanka cusub ee Rossoneri fasalka soo aaddan ee 2017-18.

Laacibkan wayn ayaa kordhin kara dakhliga kooxda marka ay timaaddo iidhehda, yeelkeede, Los Merengues ayaan laga yaabin inay 29-jirkan ku fasaxaan kacag yar.

Wargayska ayaa sheegaya in Real ay codsan doonto adduun dhan €60m, taasoo ah lacag ay Milan heli karto uun marka iibinteeda la dhamaystiro, iyadoo iibka uu haatan todobaad qur ihi ka harsan yahay, waloow uu horay dhowr mar dib u dhacay.

Milan ayaa si ay u adeecdo xeerka dhaqaale wanaagga ee FFP waxay doonaysaa inay lacagta u bixiso qayb qayb iyadoo fasalkan bixinaysa €20m, taasoo lagu daray mushahar wanaagsan oo uu laacibku ka helayo Rossoneri oo gaaraya 8 milyan sanadkii iyo lacag bareemiyo ah.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close