Ajax oo dooneysa Joker-ka Man United [The Sun]

daley-blind-manchester-united-sunderland_8jka4ha1szux1h22uxpt2aztd

(Amesterdam) 06 Abriil 2017. Ajax waxa ay ka baaraan dageysaa xagaagan in ay dalab ka gudbiso daafaca Manchester United Deley Blind, sidaas waxaa laga soo xiganayaa the Sun.

Laacibka u dhashay Holland waxaa ka dhacaya qandaraaska ololaa dambe, Ajax ayaa la aaminsan yahay in ay diyaar u tahay soo xero galintiisa midkan hada gaba gabada ah.

Blind hore waxa uu United uga soo biiray Ajax 2014 waxa uuna laf dhabar ka noqday safka kowaad ee kooxda sanadihii uu joogay Louis Van Gaal.

Hase ahaatee, walow uusan boos uu leeyahay kaligii ka haysan Old Traffod hada, hadana waxa uu qeyb libaax leh ka ciyaara qorshaha Jose Mourinho.

Inta badan waxa ay dambeedka biddix ku loolamaan Luke Shaw, Ashley Young iyo Rojo.

Mararka qaar, waxa uu dheelaa daafaca dhexe walow uusan ku badneyn.

Yeelkeede, ma cadda in United iska iibin doonto laacib ay jookar-ka u taqaan.

 

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close