Zidane oo kalsooni ku qaba Keylor Navas inta ka harsan xiliciyaareed kan

(Madrid) 05 Abriil 2017 Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa kalsooni ku qaba qaab ciyaareedka goolhaye Keylor Navas.

Navas ayaa orin kala kulmay taageerayaasha kooxdiisa kulamadii u danbeeyay markaas oo uu sameeyay qaladaad dhawr ah.

Balse tababare Zidane ayaan diyaar u ahayn in kooxda lagu mashquuliyo waqtigaan xasaasiga ah dhibaatooyinka dhanka gool hayaha.

Image result for Navas and Zidane

Zidane ayaa haatan kalsooni buuxda ku qaba goolhaye Navas iyo goolhaye Kiko Casilla, wuxuuna qorshaynayaa inuu kooxda keeno goolhaye fiican dhamaadka xiliciyaareed kan.

Goolhayeyaasha diirada u saaran ayaana kala ah Thibaut Courtois, David De Gea iyo Gianluigi Donnarumma, taas ayaana ka dhigan in dhamaadka xiliciyaareed kan kooxdu ay iska fasaxi doonto midkood Navas ama Casilla.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close