Roma oo wadahadalo kula jirta Mancini si uu badal ugu noqdo Luciano Spalletti

(Roma) 05 Abriil 2017 Kooxda Roma ayaa xiriir la samaysay tababarihii hore ee Inter Milan Roberto Mancini kaas oo aan wax shaqo ah helin tan iyo markii uu katagay Inter.

Mancini ayaa diyaar u ah inuu dhimo mushaarkiisa qaaliga ah si uu badal ugu noqdo Luciano Spalletti oo uu ku sii jeeda kooxda Tottenham ee dalka ingiriiska.

Sida laga soo xigtay shabakada Premium Sport, tababare Mancini ayaa diyaar u ah inuu aqbalo dalab ka yar 4.5 milyan oo euro oo ah mushaarkii uu ka qaadan jiray kooxda Inter.

Image result for Spalletti and Mancini

Sidoo kale liiska Roma waxaa ku jira tababaraha AC.Milan ee Vincenzo Montella kaas oo aan la hubin mustaqbalkiisa kooxda Milan.

Kadib barbarihii kooxdu ay lagashay axadii kooxda Pescara, waxaa mugdi sii galay rajadii Milan ee u soo bixida Champions League.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close